Home » Articles posted by admin (Page 2)

Author Archives: admin

Waraysigii Abdulahi Salah

Fadlan halkan hoose ka daawo waraysiga Abdimalik Askar layeeshay Abdulahi Salah

Contributions of MU 2010 – 2011

Contributions

Here is contribution’s page.  You can find out here how much help MU received from its donors.  Each year will be indicated clearly.

City/Country Requested Contributions Received Contributions
Minneapolis, MN

$15,000

$18,700

Chicago, Illinois

500

500

Columbus, Ohio

2,000

900

Virginia

6,000

2,550

San  Diego, California

800

800

Seattle, Washington

2,000

1,500

Denver, Colorado

1,000

400

Phoenix, Arizona

1,500

0.00

Atlanta, Georgia

500

400

Hartford, Connecticut

1,000

850

New York, New, York

1,000

600

Toronto, Canada

2,000

1,200

Ottawa, Canada

2,000

0.00

Alberta

2,000

0.00

London, Men

10,000

2,525

London, Women Al-Nassar

5,000

5,000

United Arab EmiratesDubai

2,500

2,000

Abu Dhabi

2,500

0.00

Kuwait

3,000

0.00

Australia

2,000

0.00

New Zealand

1,000

0.00

Total

$63,300

$37,925

Interview, the MU presedent

DHEGAYSO: Golaha Deegaanka Badhan Taageero Kama Hayno” Maakhir University

22nd November 2011 · 0 Comments

Badhan:- Shir Jaraaid oo uu Xafiiskiisa ku qabtay Agaasimaha Guud ee Jaamacada Gobolka Sanaag Eng Sakariye Xaaji Siciid Cismaan A-waare isaga oo Magaalada Badhan ku Sugan waxana uu shirkiisaa kaga hadlay Furitaankii Jaamacada ilaa wakhtigan waxa u Hir galay.

Agaasimaha Maakhir University waxa kaloo uu ka hadlay Dhismaha Cusub ee Jaamacada looga wado Magaalada Badhan iyo dhaqaalaha la Uruuriyay ilaa wakhtigan inta uu leg yahay, Agaasimaha ayaa xusay in ay dhaqaale Uruurin badan ay Dibada iyo Gudaha dalka laga wado, isla markaana ay dhawaan Gaadhayaan Magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari si Ganacsada Gobolka loogu Bandhigo Dhaqaalaha Jaamacada u Baahan tahay.

Eng Sakariye Xaaji Siciid ayaa ka hadlay docda kale xidhiidhka Golaha deegaanka Degmada Badhan iyo Jaamacada ka dhexeeya isaga oo xusay in Golaha deegaanka Badhan oo Mudo Kooban jiray aanay Xidhiidh wanaagsan la lahayn Kor u qaadida Jaamacada.

“Caqabado waa Jiraan Sanadkii Hore waa jireen Caqabado badan oo dad badan ayaa Aminsanaa in Sanaag aanay Jaamacada yeelan karin Laakiin waxa jira dad badan oo Aminsanaa in Jaamacada oo aan dhismi Gaar lahayn aanay Guulaysanayn Caqabad kale waa Jiraan waxana ka mid ah Macalimiinta oo xoogaa Nagu Yaraa Sanadkan waanu Haysanaa Macalmiin Nagu Filan Sanadka Soo socda waxaanu Dalban macalimiin Wanaagsan oo Tayo leh Dhaqaalihii anaga iyo Gudiga Jaamacada waanu isku Faawaqnay.

“Xaqiiq ahaan Golaha deegaanka Badhan waxay Jireen 7-bilood Laakiin waxaan Oran karaa mudadaasi ay Jireen iyagabaa Socod barad ahaa Laakiin wax Taakula ah Kama hayno Golaha deegaanka Mayd Maxaa u Danbeeyay Baa la Yiraahdaa waa Kaa la sii sido, Dhamaan Golaha deegaanka Xafladii dhaqalaaha Loogu Uruurinaya Jaamacada ee Maalin ka Hor qabanay Golaha waanu ku Casunay Laakiin Kama soo qayb Galin Anaga dhaqaale ugama Fadhino Golaha waayo waanu Ognahay inaanay wax saas ah Na dhaami Laakii Taageeradii kale ee Niyada ahayd Kama Hayno Golaha deegaanka Badhan” Ayuu yiri Agaasimaha Jaamacada.

Kulan wareedkaasi ay qabteen Maamulka Jaamacada Sanaag waxa uu Meesha ka Suulinayaa Hadalkii ahaa in Golaha Deeganaka Badhan iyo Maamulka Guud ee Jaamacada Hormuudka u ahi ay wada Shaqayn ka dhexayso.

Qaybta Koowaad ee CodkaHoose ka Dhegayso.

Qaybta Labaadna Hoose ka Dhegayso.

Halkan ka dhagayso

Ahmed Maxamed/Bosaaso

GalGalanews

London Event for Maakhir University fun raising

Ogaysiis: Xaflad Dhaqaale Loogu Uruurinayo Maakhir University

Dhamaan waxa La Ogaysiinayaa Shacabweynaha Reer Maakhir ee ku Nool Dalka Uk in Bisha 17/12/11 la qaban doono Xaflad Dhaqaale loogu Uruurinayo Jaamacada Maakhir ee Magaalada Badhan dhaqaalahan oo lagu dhisi doon Libarery Jaamacada u Gaara

Hadaba Xafladan oo ay kasoo qayb geli doonaa Aqoonyahano isugu jira Ajinib iyo Soomaaliba ah waxaana la filayaa inay soo garaan Magaalada London wafti ka mida aas aasayaashii Jaamacada oo hadalo ka jeedin doona insha alaah waxa kaloo Xaflada qayb wayn ka qaadan doona Fanaaniinta Reer London iyo Ururka Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Wadanka Uk  waxa kale oo Xafladan inagala qayb galaya dhamaan Umada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Uk iyo cid alaale cidii wax ka gaysanaya dhaqaale Uruurintan

Xafladan oo ay soo Agaasimeen Ururka Maakhir Society Uk ayaa noqonaysa Xafaladii ugu horaysay ee dhaqaale loogu Uruurinayo Maakhir University  Badhan waxaana laga Codsanaya dhamaan Bulsha waynta Reer Maakhir inay qayb lixaad leh ka qataan sidii ay uga soo qayb geli lahaayeen Xafladaas

Xafladan ayaa ka dhicidoonta Hallka Wayne ee Milan Hall ee ku yaala South Hall ee Galbeedka London waxaana addreska laga soo sheegi doona dib hadii alle ka dhigo iyo cida lagala xiriiryaba waxa kale oo laga siidayn doona xayaysiika Xafladan Dhamaan Tvyada Soomaalida oo dhan

Maakhir Society Uk

Dhagaxdhigii oo Bilaabmay Badhan

DEEQIHII DADKU BIXIYEEN XAFLADII SHALAY OO MAANTA BILAABMAY

Badhan: waa saaka aroornimiadii bahda saxaafada maakhir.net booqatay jagadii loo gu tala galay jaamacada maakhir inay ka dhisanto
waxaana la bilaabay balanqaadkii shalay xafladii ka dhacay oo ahaa in jamacda ay dadka ku dhaqan degaanka badhan ay ugu deqeen dhismaha jamacda dhagax dhoobo iyo niis waxana bilaabmay in lakeeno jagadii waxaa saaka goobtii oo lakeenay dhagax iyo niis aad ufara badan
waxanay gaartay deeqdii shalay oo dhan labixiyey 230lodh waaana bilaabmatay saaka

waxaa goobta la dhigayey dhagax oo ay maanta ugu horaysay goob joog ka ahaa suldaanka guud ee reer maakhir suldaan siciid suldaan c/salaan suldaan maxamuud cali shre
suldaanka oo isagu ka mid ahaa dadkii shalay ku deeqay lowdhadhka ayaa wuxuu goobtii markii la shubayey
umahad ceshay dhamaan dadkii sidan degdeg ah u bilaabay deeqdii ay bixiyeen
wuxuu kalo ka codsaday in video shalay la duubay oo laga soo dayn doono tv somali channel dhamaan dadka qurbo joogta ah dawadaa oo lasoo galin doono sida ugu dhakhso badan
suldaanka ayaa sidoo kale ka codsaday dhamaan dadwaynaha reer maakhir wixii wadankooda ay soo tari karaan inay soo gudbiyaan oo marka ay usoo gudbinayaan meelkasta oo la damcaan inay wax soo tarayaan ay kala xiriiraan cida gacanta ku haysa oo aan cidna wax cid loogu dhiibin

madashaa ayaa waxa kalo oka hadlay c/le aadan cabdi oo ah dadkii shalay xaflada jamacada shalay dhacday soo agaasimay kana mid ah ardayda dhigata jamacda ayaa isagu aad iyo aad ugu mahad ceshay suldaanka guud ee reer maakhir sida wanaagsan oo ula shaqaynayo jamacada iyo da’daalka uu kula jiro jamacda

agaasimaha guud ee jamacada prof. sakariye cismaan awaare ayaa isaguna goobta joogay wuxuna u xilsaaray koox ka shaqaysa maamulka deeqdan oo cidii bixisay deeqda in laga saxo oo computer lagu guro
deeqda shalay la bixiyey oo gaartay 230lowdh ayaa waxay noqnaysaa marka loo badalo lacagta doolar
ku dhowaad 6000 oo dolar

sidoo kale waxa isaguna ka hadlay oday c/le dheere oo ka mid ah odayaasha taariikhyahanka ah oo caan ka ah guud ahaanba gobolka oo isagu sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay tan iyo shalay gushii socotay

waa soo diyaarintii
xafiiska maakhir media ee badhan

Xaflada Dhaqaale Ururinta Badhan

XAFLADA DHAQAALE LOOGU URUURINAYA JAMACADA MAAKHIR UNIVERSTY EE MAGAALADA BADHAN+SAWIRO

BADHAN[M.MEDIA] manta ay bishu tahay 18\11\2011 ayaa xaflad si wayn loo

soo agaasimay ay ka dhacday  galabnimadii jimcaha ee manta  xarunta jaamacada ee magaalada baran tasoo ay ujeedadeedo ahayd sidii loo bilaabilahaa dhismaha jaamacada oo hada ku jirta meel ku meel gaar  ah oo ay ugu deeqeen  ururka hoyooyinka  ee alnasar jaamacada oo lagu bilaabay laba kuliyadood oo kala ah EDUCTION iyo ICT.

Xaflada oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida suldaanka guud ee beesha warsangli,cuqaasha,bahda waxbarashada ururka al-nasar iyo urura aad ufara badan oo aanu halka ku soo koobi Karin

suldaan siciid suldaan c/salaan suldaanka guud ee reer maakhir

waxaa  ugu horayntii  furay suldaan siciid suldaan c\salaan suldaan maxmuud cali shire oo u mahad celiyey  dadkii soo qabaqaabiyey  xafladan  waxa kale ee uu suldaanku mahad balaaran usoo jeediyey uruka alnasar oo uu sheegay inuu yahay urur wax qabad u leh reer maakhir.iyo jaaliyada reer maakhir ee gacanta ku haysa jaamacada.

Xafladan oo si habsami ah ufurmatay ayaa waxa ka hadlay dadwayne aad u fara badan oo dhamaantood shegay waxtarka ay jaamacada u leedahay  dad waynaha reer maakhir loona baahanyahay waqtigan in la dhiso jaamacada. Xafladan oo ahayd mid loogu talgalay in dhaqaale loogu ururiyo lagu dhiso jaamacada. Intay xaflada lagu guda jiray ayaa dad waynihii ka soo qaybgalay ku deeqeen   inay ka qaybqataan dhismaha jaamacada waxayna isku qoreen qof walba wuxuu awooday  waxana lagu deeqayey waxay ahayd dhagax,dhoobo,niis, iyo qalbka dhismaha.

Waxa kaloo madasha ka hadlay agaasimaha jaamacada pro sekeriya oo sheegy wax loo baahanyahy in lagu deeqayo inay tahay  dhismaha anay ahayn lacag waxana lays kugu qof qof , ururada bulshada , shirkadaha magaalada , ganacsatada ,qurba joogta reer maakhir , iskuulada . markay xafladu dhamaatay ayaa xiriiriyuhu ku dhawaaqay  deeqdii dad waynuhu ku deeqay waxayna noqotay 230 lowr in lagu deeqy.

Aagaasimaha jamacada maakhir oo ka gudoomay Sidiiq C/laahi xundhur oo ka socday hayada horn relief

Waxa xaflada lagu soo badhigay deeq kubuyuutar ay ku deeqday hayada horn releif  mahana markii ugu horeeyey ay ugu deeqeen jaamcada

Ugu danbayntii waxa soo xiray suldaanka waxyna ku soo dhamaatay jawi fiican waxayna dad waynihii deeqda bixiyey balanqaadeen inay biritoo booska jaamacada  qof kasta uu geendoono

Daaawo sawirada

Cabdale aadan cabdi oo xiriirinayey barnaamijka 

  axmed shiikh saalax

agaasimaha jamacada maakhir (maakhir universty)  oo soo bandhigaya maabkii jamacada

Waxa kale oo idiin soo gudbin doonaa Sawiro iyo warbixino intan ka badan waxa kale oo aanu soo gubinayanaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay iyo cadadkii lacagta ahayd ee bixiyeenba

Eng C\risaaqCali Belbel

Weriye Siciid C\laahi Cumar [tiij]

Xafiiska Magaalada Maakhir Media  Badhan

Video of MU

Xafladii xidhida MU

Waxa galabta xafad lagu qabtay xarunta jaamacada maakhir ee magaalada badhan xaaladan oo ardayda loogu soo xirayay sanad dugsiyeedkii koowaad ee jaamacada ayaa waxa goobtaa ka hadlay aqoonyahano,waalidiin,qaar ka mid ah ardayda waxka barata jaamacada maakhir.

Iyadoo jaamacadu furnayday muddo 8 bilood ah ayaa ardadyda waxa laga dhisayay dhinacyada aqoonta si guud ahaan taas oo al u fududaydndoonta in ardaydu si wanaagsan ula qabsaaan duruusta jaamcada maakhir,oo ku curatay labo kulliyadood oo kala ah aqoonta computer-ka iyo kulliyada macalinimada labadaas oo baahi wayn loo qabo marka la eego goolka sanaag.

DSC00394

Maamulaha jaamacada mudane sakeriye xaji siciid ayaa ku dheeraad waxqabadkii jaamacadu samaysay mudadii sanadka ahayd ee ay  furnayd ,waxa uu amaan balaadhan  u soo jeediyay ardayda jaamacada oo u ku dhiiri geliyay in ay sii wadaan dadaalka waxbarshada,isaga oo ka waramay qiimahaha waxbarasha iyo kaalinta wayn ee bulshada iyo caalamka ka jirto aqoonto iyo sida loogu baahanyahay aqoonyahay waxtara bulshadiisa anfaca jiilka soo socda,maamulaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan qabado badan oo jaamacada ku xeeran loona baahanyahay in wax laga qabto si loo xaqiijiyo Hadaka jaamacada loo aasaasay sidoo kale waxa uu ugu baaqaydhammaan jaaliyadaha gobolka iyo ha’ydaha daneeya waxbarashada in ay ka qabqaataan ambaqaadis jaamacada iyo taageeradeed intaba.sidaa si la mid ah waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan g/sanag in ay ka faa iidaystaan fursadan  qaaliga ah.

DSC00334

Waxa khudbado aad u qiima badan madasha ka soo jeediyay qaar kamid ah ardayda wax barata jaamacada maakhir oo ku amaanay macaliinta iyo dhammaan dadkii ka qaybqaatay hirgelinta jaamacada kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen horumarinta bulshada baahida u qabta waxrashado jaamacdeed.

DSC00344

Aqoontu waa iftiin iyo hogaanka saxda ah ee lagu gaadho ilbaxnimada iyo xadaarad waarta ,taasina ma suugelayso hadii aan la helin bulsho u diyaar ah ismarkaana ka runsheegta baahidaas oo u guntata sidii yahaanka nolosha looga mira dhalinlahaa taasina waa ilayska ay ku taamayaan bulshooyin caalamka ee ilbaxnimda iyo aqoonta ka gaadhay meeshii ugu saraysay.

DSC00357

Ugu danbayntii ardyda jaamacada maakhir oo ka hana qaaday g/sanaag gaar ahaan magaalada badhan ayaa haatan noqotay isha aqoonta iyo itiinka waxbarashada,Waana mid muuqata kaalinta ay  aqoonta  jaamacadu kaga jirto bulshada .

DSC00379

Marka la eego guud ahaan xaalada waxbarasho ee g/sanaag ayaa haatan u muuqata mid aad u soo kobcaysa iyada oo ay sii kordhayaan xarumaha waxbarashada sid dugsiyada hoose/dhexe/sare iyo machadyada luqadaha ,computer-ka,caafimaadka,maamulka iyo maaraynta.

DSC00446

DSC00399

DSC00377

DSC00354

DSC00402

Welcome to MU جامعة ماخر

  Maakhir University provides innovative undergraduate education that contributes to the development of Somali society and the individual and actively facilitates learning through the preservation, discovery, syntheses, and dissemination of knowledge.

Xafladii Xidhitaanka ee Maakhir University (Sawirro)