London Event for Maakhir University fun raising
Ogaysiis: Xaflad Dhaqaale Loogu Uruurinayo Maakhir University
Dhamaan waxa La Ogaysiinayaa Shacabweynaha Reer Maakhir ee ku Nool Dalka Uk in Bisha 17/12/11 la qaban doono Xaflad Dhaqaale loogu Uruurinayo Jaamacada Maakhir ee Magaalada Badhan dhaqaalahan oo lagu dhisi doon Libarery Jaamacada u Gaara
Hadaba Xafladan oo ay kasoo qayb geli doonaa Aqoonyahano isugu jira Ajinib iyo Soomaaliba ah waxaana la filayaa inay soo garaan Magaalada London wafti ka mida aas aasayaashii Jaamacada oo hadalo ka jeedin doona insha alaah waxa kaloo Xaflada qayb wayn ka qaadan doona Fanaaniinta Reer London iyo Ururka Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Wadanka Uk waxa kale oo Xafladan inagala qayb galaya dhamaan Umada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Uk iyo cid alaale cidii wax ka gaysanaya dhaqaale Uruurintan
Xafladan oo ay soo Agaasimeen Ururka Maakhir Society Uk ayaa noqonaysa Xafaladii ugu horaysay ee dhaqaale loogu Uruurinayo Maakhir University Badhan waxaana laga Codsanaya dhamaan Bulsha waynta Reer Maakhir inay qayb lixaad leh ka qataan sidii ay uga soo qayb geli lahaayeen Xafladaas
Xafladan ayaa ka dhicidoonta Hallka Wayne ee Milan Hall ee ku yaala South Hall ee Galbeedka London waxaana addreska laga soo sheegi doona dib hadii alle ka dhigo iyo cida lagala xiriiryaba waxa kale oo laga siidayn doona xayaysiika Xafladan Dhamaan Tvyada Soomaalida oo dhan

Maakhir Society Uk


Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.